Trump oo dalbaday in dil lagu xukumo dadka darooga ka ganacsada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in dil lagu xukumo dadka daroogada ka ganacsada, arrintaas oo qayb ka ah qorshaha uu wax ooga qabanayo laqabatinka baaxadda leh ee dadka maraykanku ay ku adeegsadaan xannuun baabi’iyaha.

Qorshahan ayuu hoosta ka xariiqay mar uu khudbad ka jeedinayay New Hampshire, gobolkaas oo ah mid ay aad u saamaysay arrintaas.

Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu rabo in sharciga la badalo si dil loogu xukumo dadka daroogada ka ganacsada, laakiin arrintaas wuxuu kala kulmi doonaa culays dhanka siyaasadda ah iyo mid dhanka sharciyadda ah.

Daroogadan waxaa ka mid ah nooc xannuun baabi’iye loo adeegsado oo dhakhaatiirtu ay bukaanka u qoraan.

2.4 oo ruux oo Maraykan ah ayaa la rumaysan yahay in ay la qabatimeen daroogo, mashaakilkaas ayaana sababay in ay u dhintaan 63,600 oo Maraykanka oo dhan ku kala noolaa sannadkii 2016, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Trump ayaa loo sacabotumay Isniintii markii uu deegaanka Manchester ee New Hampshire ka yiri “haddii aynaan gacan bir ah ku qabanin dadka daroogada ka ganacsada wakhtiga unbaan iska luminaynaa, gacantaas birta ahna waxaa ka mid ah in dil toogasho ah lagu xukumo.

Trump ayaa horray u tilmaamay in dadka daroogada ka ganacsada loo adeegsado ciqaabta “ugu adag” wuxuuna hadalkaas ka jeediyay isu soo bax ka dhacay Pennsylvania isla bishan.

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});