Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada

Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo horjeeda ee ku kala aragti duwan mooshinka laga keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Golihii Wasiirradda ugu badnaa ayaa mar kaliya ka soo dhax muuqday kulan maalintii shalay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ku dhaxmarey xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah Prof Jawaari, waxaana kulankaa ka hadlay inta badan xildhibaannada ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed oo ka dalbaday guddoomiyaha in uu xilka iska casilo ka hor inta aan la gaarin codbixinta, iyaga oo sheegay in xildhibaannada ka soo horjeeda gaarayaan 197 xildhibaan.

Laakiin taa badalkeeda xildhibaannada taageersan Prof Jawaari ayaa arintaa beeniyay iyaga oo sheegay in 184 cod oo kaliya u baahan yihiin si ay xilka uga qadaan Jawaari, sidaa daraadeed haddii ay gaarayaan 197 xildhibaan aysan jirin sabab ay guddoomiyaha ugu dhiir-galiyaan in uu xilka ka dego.

Dhoola-tusyada siyaasadeed ee socda ayaa u muuqda kuwo ragaadiyo howlihii labada gole ee dowladda, madaama xubnaha golaha Wasiirrada iyo xildhibaannada howlmaalmeedkooda caadig ahaa u weeciyeen ololaha la xiriira mooshinka oo dhinac walba ku dadaalayo sidii uu uga takhlusi lahaa dhinaca kale.

Jawaari ayaa meesha ka saaray in uu xilka iska-casilayo ka hor inta aan la gaarin codbixinta mooshinka, madama sida uu hadalka u dhigey uu sharci uga degayo kursiga.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo guddoomiye Jawaari uu ku eedeeyay in uu gadaal ka riixayo mooshinka isaga laga keeney.

Sidoo kale madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la ogeyn mowqifkiisa ku aadan khilaafkan siyaasadeed ee labada Gole ee dowladda marka laga reebo kulan uu la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guud ahaan dadka falaqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa qaba in arrimahan dhacaya bulshada Soomaaliyeed soo xasuusinayaan is-qabqabsigii siyaasadeed ee ragaadiyay dowladihii tan hadda koreeyay, waxaana ay intaa raacinayaan in xitaa haddii uu meesha ka baxo ama uu sii joogo Prof  Jawaari aysan joogsan doonin mooshinnnadan lana arki doono mas’uuliyiin kale oo dood ka taagan tahay xil-heyntooda.

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});