Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.

Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka dhacay dagaal culus oo socday muddo saacado ah, dagaalkaas ayaa u dhaxeeyay dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Ciidamada xoogga dalka, kuwa Itoobiy oo dhinac ah.

Dagaalka ayaa markii hore ka dhacay afaafka hore ee degmada Buurdhuube iyadoo markii dambe gudaha degmada dagaalka uu ku soo fiday, Al-shabaab ayaa la tilmaamay in dhowr jiho dagaalka in ay ka qaadeen.

Nuur Kadiye Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga ee hogaaminya ciidamadaas oo la hadlayWadankanewsayaa sheegay in Ciidamada ay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Waxaana sidoo kale uu sheegay inay fashiliyeen weerarkaas, isla markaana khasaare xooggan ay gaarsiiyeen dagaalamayaashii Al-Shabaab, ee weerarka ku soo qaaday.

Saraakiil kale oo Wadankanews  la hadlay dhankooda waxay tilmaameyn in ay dagaalkaas ku dileyn ku dhawaad 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Al-shabaab dhankooda waxay tilmaameyn in dagaalkii xalay ku qaadeyn degmada Buurdhuube ay u suura gashay in ay la wareegaan gacan ku haynta degmadaasi.

Dhanka kale labo ruux oo shacab ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalkii xalay ka dhacay degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo ahaa kii ugu xooganaa ee muddooyinkii dambe Al-Shabaab ay ku qaado degmadaas.

Marka laga tago sheegashada dhinacyadii dagaalamay majirto cid ka madax banaan dhinacyadii ku dagaalamay degmada Buurdhuule ee Gobolka Gedo oo xaqiijin karta khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, iyadoona dadka deegaanka oo aan la hadalnay ay tilaameyn in dagaalka uu dhacay xili habeen ah isla markaana aysan xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee jira.

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});