Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kaga qeybgalay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo unko hal suuq oo Afrika ay leedahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka Wasiira arrima dibadeedka Afrika waxa uu ka sheegay qiimaha weyn ee ay ummadaha Afrika ugu fadhido inay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaysa, si saboolnimada iyo colaadda u soo afjaranto, isagoo xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika.

Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa la filayaa intooda badan inay gaaraan Magaalada Kigali March 21, 2018 si ay daaha uga rogaan mashruuca taariikhiga ah ee Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Dhiggiisa wadamada South Africa Ms. Lindiwe Sisulu, Djibouti Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo danaha Soomaaliya kala dhexeeya wadamadaasi.

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});