Sirtii Sanado Qarsooneyd oo la Kashifay, Mareykanka iyo Sacuudiga oo aas aasay ISIS & Al-Qaacida

Aas aasaha Shabakadda Siraha faafisa ee WikiLeaks,Ninka lagu magacaabo Julian Assange,ayaa waxaa uu soo bandhigay warbixin ka kooban 500,000 oo ah siro uu ka hayo diblomaasiyadda iyo sirdoonka Mareykanka.

Warbixinta uu hadda siidaayay Julian waxaa ay sheegeysaa in Mareykanka iyo Sucuudiga ay aas aaseen Ururka Daalibaan ee ilaa hadda ka dagaallama Dalka Afghanistaan islamarkaana ujeedada laga lahaa ay ahayd in lagu jebiyo midowgii Soviet ee dalkaasi heystay.

Saraakiil ka socday CIA-da Mareykanka iyo Dowladda Sucuudiga ayaa waxaa ay shireen sanadkii 1979kii,waxaana ay la isla meeldhigay qorshaha lagu aas aasay mujaahiddiinta Afghanistan ee dagaalka

Julian waxaa uu yiri “haddiiba uu jiro sanad la dhihi karo wuxuu ahaa sanadkii eberta ee waqtigan casriga ah,waxaa uu ahaa sanadkii 1979kii”.

Markii ay sameeyeen Ururka Al Qaacidda ee ay dagaalka ku jibeyeen Midowgii Soviet-ka kana baxay Dalka Afghanistan,waxaa  isbeddelay Siyaasadda Mareykanka Sanadkii 2001dii,markaas oo ay dhaceen weerarradii mataanaha ahaa ee ay Al-Qaacidda ku qarxisay Dalka Mareykamka.

Kaddib Mareykanka waxaa uu galay Dalka Afghanistan isaga oo dowladdii Daalibaan ka saaray Dalka Afghanistan,waxaa xigay weerarkii  uu maanta oo kale sanadkii 2003dii mareykanka ku qaaday Dalka Ciraaq ee meesha looga saaray Dowladdii Saddaam Xuseen.

Isaga oo ka hadlayay sida 1979kii loo sameeyay nidaamka caalamka ee hadda jira ayaa waxaa uu sheegay in Bariga dhexe,Kacdoonkii Iraan, sare u kaca Islaamka ee Sucuudiga, iyo heshiiskii  Camp David ee Masar iyo Israel  ay yihiin kuwo la diyaariyay xilligaas.

Xilligaas waxyaabaha la diyaariyay waxaa ka mid ah xoojinta aragtida Wahaabiyada Islaamka si loogu adeegsado dagaalka ka dhanka ahaa Soviet-ka ee ka socday Dalka Afghanistan.

Usama Bin Ladin ayaa isaga tagay dalkiisa Sucuudiga,waxaa uu aaday  Dalka Pakistan si uu u taageero Mujaahiddiinta Afghanistan .

Faragelintii Mareykanka ee Afghanistan waxaa ay ahayd mid uu balaayiin dollar ku bixiyay Sucuudiga,qorsheedana ka shaqeysay CIA-da Mareykanka,taas oo ay ahayd sare u qaadidda Al-Qaacidda iyo bur burka Midowgii Soviet-ka.

Dhacdooyinka kale ee sanadkaas la diiwaan geliyay waxaa ka mid ahaa kacdoonkii Jamhuuriyadda Irishka, dilkii Lord Mountbatten,oo ahaa adeerka boqoradda Ingiriiska iyo afduubkii 66 Qof ee Mareykanka ah loogu geystay Magaalada Tehraan ee caasimadda Iraan,xilligaas oo 3,000 oo Ardey ah ay weerareen Safaaradda Mareykanka ee Tehraan.

Mr Assange , waxaa uu sanadkii 1979kii ku sifeeyay sanadkii la diyaariyay dhiigga aan abid joogsaneyn ee caalamka,dalal badan ayaa wixii xilligaas ka dambeeyay la kulmay dilal qorsheysan,afgambi siyaasadeed,kacdoonno,Duqeyn, afduub siyaasadeed, iyo dagaallo xornimo doon ah.

WikiLeaks,warbixinnada ay heyso ee sirta Mareykanka waxaa ay ku sheegtay tiradoodu 3.3 Milyan oo Dukumiinti,kuwaas oo sanadkiiba mar la shaaciyo waxaana la billaabay Bishii November ee sanadkii 2010kii,cinwaanna waxaa looga dhigay  Carter Cables-ka 3aad.

Isha: WikiLeaks

W/Turjumay: Adam Ibrahim Farah (Showqi).

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});