Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka oo kulan deg deg ah yeelanaya

Iyadoo uu soconayo olole xoog leh oo ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ay mooshin ka gudbiyeen tiro ka badan 100 xildhibaan, ayaa dhinaca kale saacadaha soo socda la filayaa in kulan deg deg ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka.,

Kulanka Guddiga Joogtada ayaa la sheegay in looga hadli doono sida laga yeelayo Mooshinka laga keenay Jawaari, waxaana Guddiga ka arrinsan doonaa in mooshinka loo gudbayo Baarlamaanka iyo in kale, iyadoo ay u baahan tahay in marka hore uu isku raaco.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in uu kulamo gooni gooni ah la leeyahay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha mooshinka saxiixay ayaa ku eedeeyay guddoomiye Jawaari uu golaha baarlamaanka Soomaaliya uu dhigey sida uu hadalka u yiri ”Madal uu isaga gaar ah leeyahay” sidaa daraadeed xildhibaannadu go’aan ku gaareen in ay kalsoonida kala noqdaan.

Mooshinkan laga keenay guddoomiye Jawaari oo ah mid aan horeyba loo fileyn, ayaa imanaya xili dhinaca kale dowladda Soomaaliya ku howlan tahay xiisada ka dhalatay arinta heshiiskii dekedda Berbera.

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});