XOG: Sacuudiga oo durba bilaabay dhex dhexaadinta dowladaha Somalia & Imaaraadka, Sidee ayuu u socdaa?

Dowladda Sacuudiga ayaa bilowday dadaalada ay ku dhex dhexaadineyso dowladaha Somalia iyo Imaaraadka oo isku haya Heshiiska Dekadda Berbera iyo faragalinta sii kordheysa ee uu Imaaraadka ku hayo Somalia.

Dowlada Sacuudiga ayaa wafdi hordhac ah u dirtay magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka isutaga Imaaraadka Carabta kuwaa oo hordhac u noqon doona wafdi heer sare ah oo ku baxay dhex dhexaadinta labada dal.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan qoyska boqortooyada waxaana lagu wadaa in la kulanka madaxda Imaaraadka kadib ay magaalada Riyadh uga yeeri doonaan Madaxweyne Farmaajo ama Ra’isul wasaare Kheyre oo ay la furi doonaan kulamo lagu dhex dhexaadinaayo labada dal.

Dowlada Somalia iyo Imaaraadka ayaa Khilaafkooda ugu xoogan ka bilowday heshiiskii 3 geesoodka ahaa ee ay wada galeen Somaliland, Ethiopia iyo Shirkadda DP­world oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxaana Heshiiskaasi waxkama jiraan ka dhigay Somalia.

Dowlada Sacuudiga ayaa Siyaasad ahaan u janjeerta dhanka Imaaraadka carabta, waxaana aad looga cabsi qabaa in Sacuudiga uu Somalia ku qanciyo in shirkada DP World ay dhameysato Heshiiskeeda ama loo ogolaado kala bar.

Baarlamaanka Somalia ayaa Shirkada DP World ku amartay in laga eryo dhammaan dalka, isla markaana Heshiiskaasi uu yahay mid sharci daro ah, waxayna dalka ka mamnuuceen shirkadda DP­World.

Dhex dhexaadinta Sacuudiga ayaa kusoo beegmeysa xili Dowladda Soomaaliya ay todobaadkii tagay u gudbisay fadhiga Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta warqad ay dacwo uga tahay Imaaraadka Carabta oo shirkad laga leeyahay heshiis Saddex geesood ah uga gashay Dekeda Berbera.

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});