Maamulka gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay Olole Bille ah oo lagu nadiifinayo caasimada Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Caasimadda Cabdirixmaan Cumar Cusmaan Yarisoow ayaa sheegay in olalihii nadaafadeed ee ugu ballaarnaa laga sameyn doono magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Todobaadka Nadaafadda oo bilaabanaya maanta oo Khamiista ah ee ay ka qeyb qaadanayaan dhammaan hay’adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyadoona Olahala Todobadkan xoogga lagu saari doono soo celinta bilicda degmooyinka, Warta Nabadda, Boondheere Shibis iyo Shangaani.

Duqa Muqdisho oo guddoominayey kulanka todobaadlaha ah ee guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo maamulka Gobolka Benaadir ayaa ugu baaqay dhallinyarada, haweenka, shaqaalaha dawladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshda gobolka in ay si baaxad leh uga qeyb qaataan olalahan, maadama uu raad wanaagsan ku yelanayo fayo dhowrka deegaanka

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa warbixinno ku saabsan Maamulka iyo Maaliyadda, Bilicda, Dakhliga, Amniga iyo Siyaasadda ka dhageystay guddoomiyeyaasha degmooyinka, Ku xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Maamulka iyo Maaliyadda  Xuseen Maxamed Nuur, Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax), Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka  Cumar Cabdirisaaq Xusseen.

Maamulka heer gobol iyo heer degmo ayaa si gaar ah uga wada hadlay ilaalinta amniga iyo xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin bulshadu, si looga hortago falalka ay argagixisau u malageeyan shacabka gobolka.

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});