Gaari ay saarnaayeen Dad Shacab ah oo lagu rasaaseeyay Duleedka Magaalada Baladweyne.

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee gobalka hiiraan ayaa sheegaya in Dad Shacabka ah lagu rasaaseeyay duleedka Magaaldaasi.

Inta la ogyahay  hal qof ayaa ku dhintay,mid kalana waa uu ku dhaawacmay ka dib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo maraayay gobolka Hiiraan.

Dadka degaanka ayaa KNN u sheegay in qofka dhintay ay aheyd Haween saarneyd gaariga oo la sheegay in uu ka baxay Magaalada Muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay Degaanka Caloola-Cad oo Magaalada Baladweyne u jirta 7 KM,  dadkii dhaawacmay loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baladweyne si halkaasi looga baxnaaniyo.

Maamulka magaalada baladweyne ee gobalka hiiraan ayaa ka hadlay waxaa ayna sheegeen in falkan uu  ka dhacay Duleedka magaalada Baladweyne ee gobalka hiiraan.

Ciidamada Amaanka ee Dowlada Soomaaliya aya waxaa la sheegay inay ku baxeen degaanka Caloola-Cad ee magaalada Baladweyne ee gobalka hiiraan.

 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});