Guddoomiye Taabid oo xalay duleedka Muqdisho ku booqday Ciidamo ka tirsan Kuwa amaanka Soomaaliya.Daawo Sawirada

Guddoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa xalay saqdii dhexe booqday Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo saldhig ku leh deegaanka siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay dhabar adeeg muujiyeen Islamarkaana ay ka hor tagayn Qaraxyo badan oo ay Al-Shabaab u soo wadayn magaalada Muqdisho.

Kulan gaar ah ayaa la sheegay in Guddoomiyaha uu la qaatay saraakiisha Ciidamada ee halkaasi ku sugan, sidoo kale Taabid ayaa la hadlay Ciidamada amaanka ee halkaasi saldhigga ku leh, waxa uuna u balan qaaday in ay Dowladda la qaybsan doonto dhibaatada il gaar ahna lagu eegi doono daruufaha adag.

Waa markii ugu horeysay ee Guddoomiye Taabid duleedka magaalada Muqdisho ku booqdo Ciidamada amaanka ee halkaasi ku sugan.

 

 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});