Galmudug oo dalbatay in Cadaalada la horgeeyo Askarigii ka dambeeyay Dilkii Xildhibaan ka tirsan Galmudug.

Xildhibaan Axned Yuusuf Ciyow oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa dalbaday in Dowladda Soomaaliya ay cadaalada hor geyso Askarigii ka dambeeyay dilka Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug.

Marxuumka oo shalay lagu dilay Muqdisho ayaa dikiisa loo xiray Askari Ilaalo u ahaa Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha Shacabka waxa uuna dilkaan yimid ka dib markii Gaariga Marxuumka watay uu ku soo dhawaaday Gaariga Xildhibaan Abuukaate,

Xildhibaan Ciyow ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo Cadaalad falo Marxuumka dhintay lagana sugayo Dowladda Soomaaliya fulinta arintaas.

Dhinaca Kale Xildhibaan Abuukaate ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in CID-da Soomaaliya uu ku wareejiyay Askarigii dilka ka geestay iyo Qorigiisa.

“Marxuumka dhintay ka hor inta aan la toogan iIaaladu waxay ku amreyn in uu ka fogaado Gaariga aan saarnaa waana kana dhaga adeegay kadibna uu gadaal ayuu Gaarigayga kaga dhuftay Gaarigiisa markaas ayay toogashadu dhacday” ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate.

Xildhibaanada Galmudug ayaa dhankooda sheegay in Shilka Gaariga uu yimid ka dib markii ay rasaasta heleeshay Marxuumka ee uu xakameyn waayay Gaariga.

Waxaa jira kulamo u dhaxeeya Xildhibaanada Golaha Shacabka ku matala marxuumka dhintay iyo Xildhibaan Abuukaate oo ay ilaaladiisa dilkaan Fuliyeen.

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});