DAAWO SAWIRRO: Shil Naxdin iyo Argagax leh horeyna aan loo arag oo Muqdisho ka dhacay

Shil naxdin iyo argagax leh oo aan horey loo arag ayaa ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii markii gaari Carib ah oo dul marayey buundada Anzalooti uu si lama filaan ah wadada uga baxay kana soo dhacay dusha sare buundada.

Darawalka gaariga oo ku socday xawaare sare ayaa la sheegay inuu xakameyn waayey gaariga taasoo sababtay inuu ka soo dhaco buundada, isagoo burburiyey qeyb ka mid ah derbiga ku wareegsan.

Gaariga oo markii uu dhulka soo dhacay rogmaday ayaa waxaa ku dhintay qof marayey buundada hoosteeda oo gaariga uu ku dul habsaday, halka darawalka iyo nin kale oo la socday gaariga ay ku dhaawacmeen.

Shillkan oo ka duwan kuwii horey uga dhici jiray magaalada Muqdisho ayaa waxaa gaaray goobta uu ka dhacay ciidamada amaanka dowlada Somalia iyo dadweyne fara badan.

 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});