Waxaan ahay Cabdi Qadar Cabdulaahi ibraahim (catoosh)

Waxaan ahay Cabdi Qadar Cabdulaahi ibraahim (catoosh) oo 27 jir ka mid ah camerimanada Tv ga Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan kooxda tabinta tooska ah ee Tv ga Qaranka sameysa. Warbaahinta Qaranka waxaan ku soo biiray 2008dii 10 kii ee la soo dhaafay oo aan u shaqeynayay Qarankayga waxaan la kulmay dhacdooyin kala duwan oo midba midka ka dambeyay uu ka xanuun badnaa sida Qaraxii Hargaha iyo Saamaha , kii Kii Tiyaatarka Qaranka ee xuskii sanad guuradii koowaad ee dib u howlgalinta tv ga Qaranka iyo kuwa kale. Balse qaraxii ugu xanuunka badnaa oo ku dhawaad 300 qof ay ku geeriyoodeen waxa uu dhacay 14 kii bishan October 2017 waxa uu ka dhacay isgoyska Soobe . Dhicidda qaraxaasi kadib Dowladda ayaa ku dhawaaqday Gurmad Qaran iyo 3 maalin oo baroor diiq shaqaalaha dowladda aayaa loo fasaxay inay caawiyaan dadkii ku waxyeeloobay. Balse shaqaalaha Warbaahinta Qaranka oo aan ka mid ahaa ma galin fasax ee waxa ay galeen ka qeyb qaadashada Gurmadka Qaran. Waxaan afartii maalin ee la soo dhaafay si toos ah u tabinaynay Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xanuunka badnaa. Waxaan ka mid ahaa kooxdii tabinta tooska ah ee Tv ga Qaranka intii aan joogay waxay i aheed maalmo murugo oo aan la kulmay sheekooyin xanuun badan. Maanta oo taariikhdu aheed 18 ka bisha october waxay ii aheed maalin gaar ah oo and u xanuun badan waxaan la kulmay Faadumo xuseyn cali waxay aheed gabar curyaan ah oo wadatay 2 caruur qaraxii soobe ayay ku wayday seygeedi oo ahaa nin danyar ah oo iibaya caday waxay noogu timid xarunta Gurmadka Degdega ah. Ma jirin wax ay haysatay waxaan ka waraysanay xaaladeeda ankee ma haysan telfoon lagala xiriiro aniga waxaan u saaray sim card Hormuud oo lagala xiriiro waana kan dal iyo dibad loogu Gurmaday halka telkana ay siisay gabar ka mid ah Gurmadka ayà siisay tel waxaana la kulmay Raisalwasaaraha isagoo niyadda u dajiyay una tacsiyeeyay. Inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun Cabdiqadar Catoosh

 

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});