Hordhac: Real Madrid v APOEL – Los Blancos Oo Caawa Bilaabeysa Difaacashada Koobka Champions League Xilli CR7 Uu Ku Soo Laabanayo Shaxdooda

Real Madrid ayaa caawa Santiago Bernabeu ka bilaabeysa difaacashada koobka Champions League ka dib markii ay xilli ciyaareedkii hore noqdeen kooxdii ugu horeysay ee difaacata koobka tan iyo markii magacaan loo bixiyay sannadii 1992dii, waxaana ay haatan ku haminayaan inay ku guuleystaan markii seddexaad oo isku xigta.

Xilli ciyaareedka cusub waxa ay ku bilaabanayaan inay soo dhaweeyaan kooxda Qubrus ka dhisan ee APOEL kuwaasoo ay wadar ahaan 8-2 ku xasuuqeen markii ay isku arkeen koobka Champions League ee xilli ciyaareedkii 2011-12.

Kooxda APOEL ayay u tahay markii afaraad oo ka soo muuqdaan wareega group-yada ee Champions League.

Waxaa Group H kula wehliya kooxaha Tottenham iyo Borussia Dortmund oo caaa ku ciyaaraya garoonka Wembley.

MAXAA KA CUSUB?

Cristiano Ronaldo ayaa ku soo laaban doona shaxda Real Madrid madaama uu kaliya ka ganaaxan yahay tartamada Spain, halka Marco Asensio aan lagu soo darin liiska ciyaartoyda wajaheysa caawa APOEL.

Tababare Zinedine Zidane ayaa laga yaabaa inuu ku soo shirtago shax ciyaareedka 4-3-3 iyadoo Isco uu garab bidix ka ciyaaraya, halka Bale uu garab midig koraya, waxaana weerarka hogaamin kara Ronaldo.

Casemiro, Modric, Varane iyo goolhaye Keylor Navas ayaa iyagana la filayaa inay shaxda ku soo laabtaan ka dib markii la nasasiiyay kulankii Axada.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid: Keylor Navas, Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo, Casemiro, Kroos, Modric, Isco, Bale, Ronaldo.

APOEL: Waterman, Milanov, Rueda, Carlao, Lago, Vinicius, Morais, Ebecilio, Oar, Alonefitis, Camargo.

 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});