QORMOOYINKA » Dhacdo naadir ah oo ka dhacday degmadda Warta Nabadda (Zeynab Xaabsey iyo qoys Dab qabsaday gurigoooda )

Muqdisho iney is badashay waxaa laga garan karaa ficiladda madaxdeeda cusub, shacabka degmadda Warta Nabadda waxa ay asbuucii hore arkeen wax ka duwan wixii ay barteen.

Madax iyo shacab wada hadla, madax shacabka dhibka la qeybsata iyo kuwa hantidooda shaqsiga ah ku caawiya waxa ay aheyd wax ku cusub Mr Cilmi iyo Qoyskiisa oo dhowaan ku hanti beelay dab ka kacay gurigoooda oo ku yaala waaxdda 4aad ee degmadda Warta Nabadda gaar ahaan laanta Cali Kamiin.

Dab koranto ka kacay ayaa qabsaday guri Filo ahaa oo ay Cilmi iyo qoyskiisu daganaayeen, dabku wuu xooganaa mana aheyn mid ay damintiisa ku filan yihiin dadka xaafadda taasoo sababtay iney is weydiyaan cidda caawin karta, durba waxa kusoo dhacay iney wacaan gudoomiyaha degmadda Warta Nabadda Zeynab Xaabsey.

Zeynab oo maamusha degmo ay markeedii hore macaamiil taqaanay ayaan kasoo daahin guriga Dabku qabsaday waxaana ay amartay gaadiidka dab-damiska ee gobalka Banaadir kuwaas oo iyaguna ka jawaabay baahidaas waxaana lagu guuleystay in dabkaas la damiyo oo uusan faafin inkastoo dhamaan wixii agab ku jiray qolalka guriga ay dambas noqdeen oo aan la bad baadin.

Intaas kadib waxaa laga yaabaa iney kugu soo dhacdo in howshii dhamaatay oo la kala tagay madaama dabkii la damiyay ,laakiin waxa ugu muhiimsan sheekadan waa fal celintii dabka kadib ay sameysay gudoomiye Zeynab.

“Waxaa noo timid gudoomiye Zeynab ,waxey tiri waxaan rabaa inaan qiimeeyo dhibka idin soo gaaray, qasaarihii ayaa la qiimeeyay waana naga tagtay, maalinkii xigay ayey noo timid iyadoo wada dhamaan alaabtii naga gubatay, aadbaan uga qiirooday sidda ay isaga xil saartay dhibka nasoo gaaray, horey uma arag xaaladd nuucaan ah intaan halkaan daganaa ayuu yiri Cilmi.

“Waxey dadkii la socday gudoomiyaha noo sheegeen iney qarashka oo dhan jeebkeeda ka bixisay iyadoo aan cidna la kaashan, waxaan aniga iyo dariskeygu ka marqaati kaceynaa naxariista iyo xilkasnimadda gudoomiye Zeynab Xaabsey ayuu hadalkiisa ku daray.

Markii aan helay xogtaan waxan la xiriiray gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Taabit Cabdi oo aan weydiiyay dhacdadaan nagu cusub iyo waxa uu kala socdo fal-celinta wanaagsan ee Zeynab Xaabsey oo ka mid ah xubnihii uu soo magaacay.

Mr Taabit waxaa uu sheegay iney arintaan soo gaartay uuna uga mahad celiyay Zeynab shaqadda wanaagsan ee ay qabatay iyo inuu u balan qaaday in qarashaadkii ay jeebkeeda ka bixisay uu maamulka gobalka Banaadir dib ugu celin doono uuna hadaba amray in lacagtaas gudoomiye Zeynab dib loogu celiyo si qof kale oo dhiban ay ugu caawiso.

Shacabka reer Muqdisho ayaa u muuqda kuwa u diyaar ah iney toos ula fal-galaan maamulka cusub ee gobalka Banaadir xili hogaanka cusub uu isna muujinaayo dadaal iyo biseyl dheeri ah.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
[email protected]

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});