Hordhac: Real Madrid v Valencia – Los Blancos Oo Wajaheysa Tijaabo Adag Xilli Dhibaato Daafac Yari Ay Soo Wajahday

Kulanka: Real Madrid v Valencia

Garoonka: Santiago Bernabeu

Waqtiga: 11:15pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: David Fernandez

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay ciyaartoyda uu heysto islamarkaana uusan u baahneyn saxiixyo cusub kale inkastoo kooxdiisa ay heyso daafac iyo weerar yari ka hor kulanka caawa ee Valencia.

Real Madrid ayaa waxaa soo martay labo bilood oo ay ka aamusnaayeen suuqa kala iibsiga oo xirmaya Khamiista iyagoo keensaday kaliya xiddiga khadka dhexe Dani Ceballos oo ay kala soo wareegeen Real Betis iyo daafaca garab Theo Hernandez oo ay ka soo qaateen Atletico Madrid.

Real Madrid ayaa guul weyn ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee La Liga iyagoo 3-0 kaga badiyay kooxda Deportivo, waxaana ay rajeynayaan inay guusha halkeeda ka sii wadaan marka ay caawa Santiago Bernabeu ku soo dhaweeyaan kooxda Los Che.

Valencia ayaa ka mid aheyd kaliya seddex kooxood oo Real Madrid ka badiyay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waana koox mar walba nolosha ku adkeysa Real Madrid marka lagu ciyaarayo Bernabeu.

MAXAA KA CUSUB?

Real Madrid waxaa weli ganaax kaga maqan kulanka caawa Cristiano Ronaldo oo ay u socoto shantii kulan ee lagu ganaaxay ka dib markii uu riixay garsoore kulankii lugta koowaad ee Spanish Super Cup, Sergio Ramos ayaa isna ganaax hal kulan ku maqan ka dib casaankii uu qaatay kulankii Deportivo.

Raphael Varane ayaa isna taam u noqon waayay kulanka caawa halka daafaca keydka Jesus Vallejo uu isna weli dhaawac yahay. Waxaana ay tani soo xulasho madax xanuun leh u tahay tababare Zidane oo kaliya u heysta boosaska daafaca dhexe Nacho. Waxaana la filayaa in booska kale ee daafaca dhexe uu ka dheelo midkood Casemiro ama xiddigaha akadeemiga sida Alvaro Tejero iyo Manu Hernando.

Valencia iyagana dhankooda waxaa kulanka caawa ka maqnaanaya seddex xiddig oo shaxdooda muhim u ahaa oo dhaawac ah. Martin Montoya, Gabriel Paulista iyo Nani ayaa dhamaantood la filayaa inay seegaan kulanka caawa ee Bernabeu.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid: Keylor Navas; Carvajal, Nacho, Casemiro, Marcelo; Modric, Kroos, Kovacic; Bale, Asensio, Benzema

Valencia CF: Neto; Garay, Cancelo, Vezo, Gaya; Vidal, Medran, Soler, Parejo; Zaza, Rodrigo

 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});