Akhriso: Golaha Wasiirada oo lagu amray in ogolaansho la’aan isticmaali karin Warbaahinta

 Ra’iisul Wasaare Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa soo saaray warqad amar ah oo lagu farayo Golaha Wasiirada in aysan isticmaali karin baraha bulshada iyo warbaahinta qeybaheeda kala duwan, iyagoo aan ogolaansho heysan.

Warqad qoraal ee ka soo baxday Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa lagu faray dhamaan Wasiirada in aysan isticmaali karin baraha bulshada, Idaacadaha, Telefishinada iyo wixii la xiriira warbaahin, ay u baahan tahay in marka hore ogolaansho ka heystaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale waxa la faray Wasiirada in aanay ka hadli karin arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana loo baahan yahay in la isla ogyahay mowduuca ay ka hadlayaan ee quseeya Xukuumadda.

Amarkan ayaa ka dambeeyay markii Wasiiro ka tirsan dowladda ay si iska soo horjeeda uga hadleen dhacdadii Bariire, waxaana Wasiirada qaar ay barahooda bulshada ku soo qoreen hadalo is burinaya, taasoo jahwareer badan dhalisay.

 

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});