Hordhac: Real Madrid vs Barcelona – El-Clasico – Ganaaxa CR7, Maqnaashaha Iniesta & Macluumaad Ku Saabsan Kulanka Lugta Labaad.

Real Madrid ayaa caawa soo dhaweyneysa Barcelona kulanka lugta labaad final-ka koobka Supercopa de Espana iyadoo ku horkaceysa ciyaarta 3-1 oo ah natiijadii ay kala soo laabatay gobolka Catalan sadex maalmood ka hor.

Cristiano Ronaldo & Marco Asensio ayaa dhaliyay labada gool ee lagu quusiyay Balaugrana xilli Gerard Pique uu gool shabaqiisa ku leexiyay ka hor inta uusan Messi barbaro keenin.

Kulanka El-Clasico ayaa si weyn loo wada sugayaa caawa – Santiago Bernabeu ayaana la filayaa in midkood Barcelona & Madrid ay ku dabaal dagto.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Real Madrid vs Barcelona

Tartanka: Supercopa de Espana (Lugta Labaad)

Garoonka: Santiago Bernabeu

Saacadda: 12:00 Saqda dhexe (XGA)

Garsoore: Jose Sanchez (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Real Madrid waxey ku faraxsan tahay iney soo dhaweyso kabtanka qaranka Croatia Luka Modric kaas oo ganaax ku seegay lugtii hore ee Camp Nou, waxaana la filayaa inuu kusoo bilowdo, balse waxey aad kaga xun yahin maqnaashaha Ronaldo.

Dhanka kale Barcelona waxaa ka maqnaan doona Andreas Iniesta kaas oo xanuun bowdada ah kaga maqnaanaya kulankaan – ma jiro xidig kale oo dhibaato qaba.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

 

Kadib casaankii Ronaldo, xidigaha Madrid ayaa casaan helayay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada rasmiga ah kulanka El-Clasico.

 

Barcelona ayaa guul gaartay sadex ka mid ah afartii kulan ee ay martida ku noqotay Santiago Bernabeu. waxey ku dhaliyeen 12-gool, waxaana looga dhaliyay 8. Messi ayaa ka qeyb qaatay shan kamid ah goolashaas.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid:

Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modric, Isco; Benzema, Bale

Barcelona:

Ter Stegen; Semedo, Pique, Umtiti, Alba, Busquets, Rakitic, Sergi, Denis Suarez, Luis Suarez, Messi

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});