BBC VS BBC- Walxo Aan La Dhaqaajin Karin & Walxo Aan La Joojin Karin Iyo Finalka Cardiff Ee UEFA Champions Leaque.

Caawa waxaa magaalada Cardiff ee dalka Wales iskaga hor imanaya kooxda xili ciyaareedkan tartamada Yurub ugu difaaca fiicnayd ee Juventus iyo Real Madrid oo aan 64 kulan laga soo ceshan shabaqa koox ay ka hor timid. Real Madrid ayaa xili ciyaareedkan ku dhamaysan karta in ay kulan kasta goolal ka soo dhalisay haddii ay awoodo in ay Juventus hal gool ka dhaliso.

Sidoo kale Real Madrid ayaa u baahan in ay dhaliso hal gool oo kaliya si ay u noqoto kooxdii abid ugu horaysay ee 500 gool ka soo dhalisay Champions Leaque-ga waxayna haddaba leedahay 499 gool. Laakiin sheekada xiisaha badan ayaa ah in Real Madrid ay wadato saddexda gool dhaliye ee BBC halka Juventus ay kooxdeeda ka mid yihiin saddexda difaac ee BBC.

Bonucci-Barzaghli iyo Chiellini ayaa  ayaa wajihi kara Benzema-Bale iyo Cristiano waxayna lixdan xidig saamayn wayn ku yeelan karaan kulanka finalka Champions Leaque-ga iyada oo ay taas cadayn u tahay xogta lixdan ciyaartoy ee ay ku soo lahaayeen xili ciyaareedkan labadan kooxood.

Leonardo Bonucci, Andrea Barzagli iyo Giorgio Chiellini ayaa xili ciyaareedkan soo awooday in ay 9 kulan oo Champions Leaque-ga ah ay garoonka ka baxaan iyaga oo aan hal gool laga dhali, mana jiraan saddex difaac oo BBC-da Juventus ku gaadhaya in ay kulamo intan leeg garoonka kala baxaan shabaqa nadiif ah ee kulamadii Champions Leaque, waxaana laga soo dhaliyay kaliya saddex gool.

Dhinaca kale Karim Benzema, Gareth Bale, Cristiano Ronaldo  iyo kooxdooda Real Madrid ayaa dhinacooda soo dhaliyay 32 gool waxayna markale door wayn ku yeelan karaan in Real Madrid ay markii labaad oo xidhiidh ah ku guulaysan karto koobka Champions Leaque-ga.

Leonardo Bonucci, Andrea Barzagli iyo Giorgio Chiellini ayaa lagu tilmaamay walxo aan booskooda laga dhaqaajin karin halka Karim Benzema, Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo iyagana lagu sifeeyay walxo aan la joojin karin balse waxaa la eegi doonaa midka ay guushu raaci doonto.

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});