Ma Ogtahay In Real Madrid Ay Champions Leaque-ga Ku Soo Guulaystay Isla Maalintan June 3, Mase Ogtahay In Ay Isla Atletico Madrid Ku Soo Dhaaftay Semi Finalka?

Taariikhdu wax badan ma qabato marka garoonka la soo galo laakiin waxay keentaa kalsooni iyo xusuus fiican, waana waxa uu Zinedine Zidane dhiiro galinta uga dhigay xidigaha kooxdiisa. Laakiin waxaanu idiin haynaa qormo xiiso badan oo muujinaysa taariikh la mid ah tan aynu caawa sugayno inay dhici karo.

Xaqiiqdii waxa uu Zinedine Zidine ku riyoonayo in uu gaadho June 3, 2017 waxaa soo gaadhay tababarihii Real Madrid ee Luis Carniglia kaas oo isla June 3,1959 kii awooday in uu difaacday koobka kooxaha Yurub ee hadda loo yaqaan UEFA Champions Leaque markaas oo ay 2:0 Real Madrid ugu awood sheegatay kooxda Reims iyada oo ku hor ciyaaraysay 72,000 kun oo taageer ah oo ka soo qayb galay kulankii finalkii Stuttgart.

Laakiin waxa aanad rumaysan karin ayaa ah in marka laga yimaado maalinta isku midka ah ee June 3, in haddana Real Madrid ay isla sanadkii 1959 kii ay afar dhaamadka ku soo dhaaftay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid sidii ay haddaba soo samaysay, waxaana u dhexaysa labadan waqti 58 sanadood.

Waxaa Real Madrid kulankaas goolkii abid ugu deg dega badnaa tartanka kooxaha Yurub u dhaliyay Enrique Mateos halka halyaygii  Alfredo di Stefano uu goolka kala raacsaday waqti yar kadib xiligii nasashada. Real Madrid ayaa kulankaas sida wayn u ugu eeg kulankan Cardiff waxay ku ciyaaraysay shaxda 3-4-2-1.

Laakiin waxaa la sugayaa haddii uu Zinedine awoodi doono in uu gaadhi karo heerkii Luis Carniglia ee uu koobka tartanka kooxaha Yurub ku difaacday June 3, 1959 kii kadib markii uu sida xili ciyaareedkan Atletico Madrid ku soo dhaafay afar dhamaadka tartankan.

wararka Maanta

Beesha caalamka Oo Lagu baaqay in ay fara-galinta ka daayaan Baarlamaanka
- Mar 20, 2018
Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Jawaari ayaa fariin adag u diray Beesha caalamka waxaana ...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Weli Dhoola Tuskii Wada
- Mar 20, 2018
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soconayay Olole siyaasadeed iyo doolatusyo ay sameynayaan xildhibaannada iska soo ...
Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay Buurdhuube.
- Mar 20, 2018
Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka ...
Ciidamada Xasilinta oo howgalo ka sameeyay Degmada Yaaqshiid.
- Mar 20, 2018
Howlgaladaan ay kasmaeeyeen ciidmada dowladda soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta Caasimadda degmada Yaaqshiid ee ...
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika.+Sawirro
- Mar 20, 2018
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa ...
HEES | MA DILO WALAAHEY | WADANI + DHIIRAGALIN 2018 Basra Jiis Daawo Washo |Wacan Catoosh Films
- Mar 19, 2018

Wariyeyaal Loo Kaxeeyay Doonta Ku Gubatay Xeebta Boosaso
- Mar 19, 2018
\
Imisa Labaley,saddexley & Afarley Ayuu Cristiano Ronaldo Dhaliyay Sanadka 2018
- Mar 19, 2018
Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa qaybtii ...
 
ppp (adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});